Warbixinta Soomaalida dalka Yemen
Inkastoo ay jireen Qoysas Soomaaliyeed oo degganaansho ku lahaa Yemen Sanooyin badan, haddana Soomaalida inteeda badani, waxay soo galeen dalka Yemen wixii ka dambeeyay 1991-kii, markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya.
Qaab Tahriib ah, oo halisyo badan xambaarsan, ayay Soomaalidu ku soo galaan Yemen, iyaga oo la socda Doonyo(Laashash) aan rakaabba loogu tala-gelin; kuwaas oo looga soo tallaabiyo Badda u dhaxeysa labada dal.
Qiyaas ahaan shan kun oo tahriibayaal u badan Soomaali, ayaa sannadkii kastaa ku le'da Baddaas, oo Doonyahaa la dega dadka, ama kuwa wax tahriibiya, ayaa dadka ku daadiya gudaha Badda. Soomaalidaas oo iyagu ka soo firdhanaya Colaadda dalka Soomaaliya iyo darxumooyinka ka dhashay oo ay Gaajadu ka midka tahay.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen jooga, welina ku soo qulqulaya, ilaa hadda lagama hayo tirakoob sax ah, oo laysku raacsan yahay. Dawladda Yemen waxay sheegtaa in ay tirada Soomaalida ee dalkeeda soo galay kor u dhaafayaan 700-kun oo qof, halka ay UNHCR-tu qabto in ayan tiradu ka badnayn 250-kun oo qof. Kuwaas oo 150-kunna diiwaan-gashan yihiin, 100-kunna ayan diiwaan-gashnayn.
Inta badan Soomaalida dalka Yemen, waxay ku kala nool yihiin deegaannada ay ka midka yihiin:-Xerada Al-Kharaz, Xaafadda Al-Basaatiin ee Cadan, Bushash ku kala yaalla Daalic iyo Ma'rib, Degmooyinka Sanca,Taciz, Xudeyda, Radaac, Mukalla iyo kuwa kale.
Kuwa Al-Kharaz oo ay tiradoodu gaarayso 10-kun oo ay UNHCR-tu siiso qaddar Raashin ah mooyaane, Soomaalida kale, iyaga ayaa nolol-maalmeedkooda dabbarta oo qaabab kala geddisan ku soo kasbada, lana kacaa-kufa.
Nolosha Soomalida dalka Yemen, ayaa waxay ku kala tiirsan tahay:-Haweenka Adeegtooyinka ka ah guryaha Carbeed, ragga masaxa Baabuurta, Shaqaalaha Xawaaladaha iyo Safaaradda, tiro Macallimiin iyo shaqale Caafimaad isugu jira iyo Ganacsato aan sidaas u buurnayn.
Marka laga reebo Qaybahaas aan soo xusay iyo kuwa kaloo dibadaha laga soo biilo, waxay Soomaalida kale ku nool yihiin nolol aad u liidata, walow, xitaa qaybahaas kor ku xusan laftoodu ayan wax badan dhaamin dadka kale. Qaar badan oo qaxooti ah ayaa Dawarsada ama Shaxaad un u soo kallaha.
Waxaa xusid gaar ah mudan in ay Qaxootiga Soomaaliyeed ay ku heystaan Yemen Nabadgalyo iyo xushmada walaalaha Yemeneed ee qaddarinta mudan, sida gaarka ahna albaabbada ugu furay walaalahooda Soomaaliyeed xilliyadan adag, ee ay soo mutaysteen.
Docda kale, waxay Xukuumadda Yemen ka cabanaysaa: Culayska dhinacyada Dhaqaalaha, Bulshada, Nabadgalyada iyo Dhaqanka ee ay ku hayaan Qaxootigan iska soo daba-qulqulaya. Waxay Yemen oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan dunida joogto uga codsataa Beesha Caalamka iyo Ururrada dawliga ahi, in ay la qaybsadaan Culayska Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda jooga iyo Masuuliyaddoodaba.
WD/Muxyaddiin M.Kaalmoy
Sana'a/Yemen