Podcasting

 

 

KULAN AFUR SHARAFEED AH OO XISBIGA HANOOLAATO KU YEESHAY WAQOOYIGA LONDON


 

waxaa maalintii jimcada 11/09/09 oo ku beegnayd 21-ka bisha barakeysan ee Ramadaan isugu yimid AFUR sharafeed qaar ka mid ah Gudiga fulinta iyo xubnaha Xisbiga HANOOLATO oo uu horkacay Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Cismaan Abokor. Kulankaas ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada London.

Afurkan oo ah mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa saacad iyo bar kahor xilliga afurka iyo salaadda maqrib looga hadlay arrimo badan oo ay ugu weyneyd xaaladda Soomaaliya haatan mareyso iyo siyaabaha looga gudbi karo, ummadda soomaaliyeedna dib qarankeeda u yagleelan karto taasoo xubnaha xisbiga,gudiga fulinta iyo Gudoonkuba u arkayeen  in Ilaahay loo noqdo lagana toobad keeno wixii dhacay iyo in umadda Soomaaliyeed isu tanaasulaan, Xisbiga HANOOLAATANA looga baahan yahay inay isa saaraan masuuliyad dheeri ah.

 

Waxaa kale oo kulanka looga hadlay fadliga bisha ramadaan iyo waliba kan tobanka dambe ee LEYLATUL QADARKU ku jiro looga faa,iideysan lahaa.

waxaa sidoo kale warbixinno iyo talo soo jeedin looga dhageystay qaar kamid ah gudiga Fulinta iyo xubnaha kasoo qeyb galay AFUR sharafeedkan. Ugu dambeyn waxaa Xisbiga HANOOLAATO uu ILAAHAY uga baryayaa in ummadda soomaaliyeed dhibaatada uu ka dul qaado, annagana(xisbiga hanoolaato) naga dhigo kuwii Soomaali kheyrka u horseeda maamul wanaagsanna u dhaliya.

Soomaaliya Hanoolaato

 

Dayah F. Ali

Xisbiga HANOOLAATO


 

    Copyright © 2009 Hanoolaato Somali National Party

     


Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO