Hanoolaato Videos
Hanoolaato Documentry

Hanoolaato Audio

SIYAASADDA ARIMAHA DIBADDA EE HANOOLAATO



1)      Jamhuuriyadda Ummadda Soomaaliyeed waa qaran madax bannaan, una madax-bannaan maamulidda iyo maaraynta arimihiisa gudaha, kana madax-bannaan fara gelin shisheeye  mid goboleed iyo mid caalami ahba.

2)      Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO waa Xisbi wadani ah oo aan marnaba aqbali karin in madax-bannaanida Soomaaliya mugdi gasho.

3)      Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu u hoggaansan yahay, dhowrayaana dhammaan shuruucda caalamiga ah ee dunida sida, Axdiga guud ee Qaramada Midoobay, baaqa caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka (Universal Declaration of Human Rights), Axdiga midnimada Afrika (African Charter) iyo dhammaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee ay saxiixeen dowladihii hore ee Soomaaliya ee ka turjumayey danaha ummadda Soomaaliyeed.

4)        Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu taageerayaa soona dhoweynayaa dersinimada, nabad ku wada noolaanshaha iyo iskaashiga wadamada gobolka Afrikada Bari. waxaanu uruku ka shaqaynayaa sidii shucuubta Afrikada Bari ay u samaysan lahaayeen ganacsi xor ah (Free Trade co-operation)

5)      Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu soo celinayaa xiriirkii taariikhiga iyo soo jireenka ahaa ee ka dhaxayn jiray Soomaaliya iyo wadamada carbeed ee aynu ka mid nahay. waxa kale oo Xisbigu soo celinayaa xiriirkii Soomaalidu la lahayd shucuubta Islaamka ee aynu walaalaha nahay.

6)      Siyaasadda amniga ee Hanoolaato.

Si loo abuuro bulsho difaacan karta qaranimadeeda iyo jiritaankeeda Xisbiga wadaniyiinta soomalaiyeed ee Hanoolaato wuxuu aaminsahayay.

1)      Difaacida qaranimada soomaaliya iyo midnimadeeda 
2)      Difaacida xuduudaha iyo xeebaha soomalaiyeed 
3)      Nabad kula noolaanshaha dawladahada dariska ah iyo iskaashigooda
4)      Dib u yagleedida qaybihii kala duwanaa ee ciidamadii soomaaliyeed iyo dhisida ciidan tayo iyo akhlaaq leh .

 

    Copyright © 2009 Hanoolaato Somali National Party

Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO