SIYAASADDA DHAQAALAHA EE HANOOLAATO
Si loo abuuri bulsho hodan ah iyo qaran haybad leh Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu xoogga saarayaa:1) Xoojinta wax soo-saarka gudaha gaar ahaan Beeraha, Xoolaha iyo Wax soo-saarka badaha
2) dhiiri-gelinta suuqa xorta ah
3) fududaynta maal-gashiga caalamiga ah
4) Yaraynta tacriifaadka gudaha (Inland Revenue) iyo cashuuraha macaashal macaashka
5) Soo noolaynta wax-soo-saarkii warshadaha yar-yar ee dalka iyo dhiiri-gelinta warshadaha mugga weyn leh
6) Abuuridda, tayaynta iyo kor-u-qaadidda adeegyada dadweynaha ee dhaqaalaha abuura (Service Sector)