SIYAASADDA ARIMAHA BULSHADA EE HANOOLAATO
Xisbiga Wadaniyiinta Soomaalieed ee HANOOLAATO wuxu u halgamaa in uu dhiso:
1) Bulsho leh dhaqan, akhlaaq iyo diin (Islamic Society)
2) Bulsho walaalo ah, wadajirta, iskaashata oo is-jecel
3) Bulsho xor ah oo ka xor ah: gaajada, qabiilka iyo qof jeclaysiga
qofkastaana xor u yahay maankiisa, maskaxdiisa iyo muruqiisa
4) Bulsho aqoon leh oo fikirkeeda iyo fahamkeeduba sarreeyo
5) Bulsho hodan ah oo ka hayaanta saboolnimda
6) Bulsho wadani ah oo ilaashan karta qaranimadeeda
7) Bulsho awood u leh xulashada, xakamaynta iyo la xisaabtanka madaxda qaranka
