SIYAASADDA ARIMAHA GUDAHA EE HANOOLAATO
1) Xisbiga HANOOLAATO waa Xisbi wadani ah oo u halgamaya sidii uu Soomaaliya uga hirgelin lahaa qaran haybad leh, bulsho hodan ah iyo hannaan dowladnimo oo Soomaalida u horseeda horukac.
2) Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu u curtay xaqiijinta Jamhuuriyad ay leeyihiin, u siman yihiin, isla markaana wada kulmiya dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
3) Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu si adag uga soo horjeedaa hababka siyaasadeed ee aan ka turjumayn midnimada, wada-jirka iyo walaaltinimada ummadda Soomaaliyeed sida:
Awood qaybsiga Beeleed
Awood qaybsiga goboleed
Awood qaybsiga degaameed
Habka maamul goboleedyada
Habka iyo nidaamka Federaaliisimka
4) Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu si adag u ilaalinayaa midnimada, qaranimada, iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed.
5) Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu ka shaqaynayaa dhismaha qaran awood leh oo si toos ah u maamula dhaqaalaha, siyaasadda, horumarinta guud iyo adeegga bulshada ee dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
6) Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu culayska saarayaa in umadda Soomaaliyeed hesho: Amni, Caddaalad, Maamul hufan, Siyaasad deggan iyo Qorshayaal horumarineed oo waqtiga dhow iyo waqtiga dheer ba leh.
7) Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu dhisayaa qaran sharcigu ka sarreeyo qofka ee qofku aanu ka sarrayn sharciga
8) Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu dalka u samaynayaa barnaamijyo dib-u dhis, isaga oo abuuraya aqoontii, adeeggii iyo kaabayaashii dhaqaale ee lagama maarmaanka u ahaa kor-u qaadida iyo kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dadka.
9) Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu u hawl-gelayaa dhismaha dowlad baarlamaani ah oo isu dheelli-tiran kana kooban:
a) Gole Baarlamaan oo dadweynuhu soo doortaan
b) Gole Sanat oo gobaladu soo wakiishaan
c) Gole xukuumadeed oo uu hoggaamiyo Ra'iisal Wasaare
d) Madaxweyne maamuus ah oo awooddiisu xadidan tahay
e) Maayaro ama Duq magaaloyin/degmooyin oo la soo doorto
f) Golayaal degaan oo talo bixineed oo xaafaduhu soo wakiishaan
