Hanoolaato

 

 

Xisbiga HANOOLAATO oo cambaareeyey baaqa xukuumadda ee ciidamada shishiiye.


War saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO ayaa maanta si adag ugu cambaareeyey u yeerashada xukuumadda ku meel gaarka ah ee Shiikh Shariif ugu yeeratay ciidamo ajanebi ah in ay soo galaan ciidda Soomaaliya.
War-saxaafadeedkaas oo uu ku saxiixnaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga HANOOLAATO Cali Shariif ayaa u qornaa sidatan:


“Waxa maanta nasiib darro ah in xukuumadda ku meel gaarka ah ee lagu soo dhisay Jabuuti u yeerato ciidamada cadowga Ethiopia si ay u baabi’iyaan inta ka hartay shacabka Soomaaliyeed. waxa muuqata in maanta aanu jirin ciidan Carbeed, ciidan Yurub iyo mid Islaam oo imanaya Soomaaliya, cidda loo yeeranayaana ay tahay ciidamda Tigreega Ethiopia, taas oo ka makhraati kacaysa godka madow ee xukuumadda ku meel gaarka ah ee lagu soo dhisay Jabuuti ay rabto in ay god dheer ku sii riddo dalka.

Sidaas darted waxa aannu cambaaraynaynaa baaqaas dalka loogu ogolaanayo soo gelitaanka ciidamada Tigreega-Ethiopia, u yeerashadaas waxa aanu u aragnaa sharci darro, caqli darro iyo waddaniyad darro.

Waxa kale oo aannu ku baaqaynaa in haddii ciidamada Ethiopia ay dalka soo galaan cawaaqibka taariikheed ee ka dhasha ay masuul ka noqon doonto xukuumadda ku meel gaarka ah ee lagu soo dhisay Jabuuti ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed”.


War saxaafadeedkaas oo dheeraa waxa xisbigu ku soo gebegebeeyey “Soo gelitaankii hore ee Xabashidu soo gashay Soomaaliya waxa ku naf waayey 20,00 oo qof, waxa ku bara kacay Malaayiin qof oo Soomaaliyeed, waxana ku burburay dhaqaalihii iyo hantidii ummadda Soomaaliyeed. Sidaa darted xisbigu waxa uu nasiib darro weyn u arkaa in mar labaad loogu yeero Ethiopia si ay u mir-tirto inta ka hartay shacabka Soomaaliyeed”.  


Ugu dambayntiina waxa Guddoomiye Ku xigeenka Xisbigu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan si ay isaga difaacaan cadowga raba in uu dalkooda isu soo bahaysto si uu u geliyo gumeysi cusub.
 Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga HANOOLAATO
Cali Shariif

www.hanoolaato.org or email us hannoolaato@googlemail.com

 

    Copyright © 2009 Hanoolaato Somali National Party

Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO