Masuuliyiinta HANOOLAATO ee Qardho oo ka warbixiyey halka ay marayaan hawlihii Xisbigu
Hawlihii Xisbiga HANOOLAATO ee magaalada Qardho ayaa u socda si habsami ah waxaana masuuliyiinta xisbiga ee gobolku u waddaa shaqadii sidii ugu haboonayd.
Guddoomiyaha HANOOLAATO ee Qardho Maxamuud Axmed Maxamuud ayaa ka war bixyey halka hawshu u marayso waxaanu yiri: waxa aanu bilaabnay soo bandhigidi aanu u soo bandhigaynay bulshada qaybaheeda kala duwan sida shaqaalaha, macalimiinta, dhalin yarada, haweenka, odayaasha ama nabadoonada samaha jecel fikirka suubban ee xisbigeenna. Runtii wacyi gelintaas waxa aannu kaga helnay shacabka taageera buuxda.
Sidoo kale waxaa usbuucan is qoray 32 xubnood oo cusub oo iskugu jira gabdho iyo wiilal dhalinyaro ah. Xubnahaas cusub oo markiiba aannu u furnay siminaar deg deg ah oo loogu soo bandhigayo waa xubnaha cusube fikirka iyo mabaadiida uu ku dhisan yahay xisbiga hanoolaato wayna soo dhaweeyeen.
Guud ahaanna marka laysku daro dhalinta Hanoolaato ee ku sugan hada magaalada qardho waxay gaarayaan boqolaal u badan dhalinyaro iyo arday.
Guddoomiyaha Xisbiga ee Degmadu waxa kale oo uu sheegay in ay rajaynayaan in dhowaan marka uu xisbigu dago goobwayn uuna yeesho xafiis qalabaysan in ay ka sii bataan xubnuhu intaas
Maxmuud Axmed Maxamuud
Guddoomiyaha HANOOLAATO ee QARDHO