Xisbiga HANOOLAATO ayaa sikulul ucambaareeyay dilkii Culimada Tabliiqiyiinta pakistan loogu gaystay magaalada Gaalkacyo
Aqoonyahanada iyo ardayda kusugan dalka Pakistan ayaa kulan ka yeeshay dhacdadii naxdinta iyo murugada lahayd ee ka dhacday Magaalada Gaalkacyo Soomaaliya,kulankani oo uu furay Gudoomiyaha Xisbiga Hanootaalo ufadhiya dalka Pakistan Engineer Abdirahman Hassan Mohamed oo ku hadlayay magaca Hanoolaato ayaa ugu horaynba walaac iyo calool xumo ka muujiyay,si kululna uga hadlay falkii dilka wuxuushnimada ee Culimada Jamaacada Tabliiqiyiinta udhashay dalka Pakistan loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo,
Xisbiga Hanoolaato ayaa xasuuqaa foosha xun ee lala beegsaday Culimada Martida ee walaalaheen Pakistan uga tacasiyeeyay ummada reer Pakistan gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen marxuumiinta,Xisbiga Hanoolaato dalka Pakistan ayaa ku nuux nuuxsaday in falkaa uu ahaa mid cadowtinimo oo aan soomaalida Muslimka isir iyo raad toona kulahayn ee uu yahay fal ay kukaceen damiir laawayaal kugabada soomaalinimada oo adeega dad dhagar iyo hagardaamo ladoonayo ummada soomaaliyeed;islamarkaana doonayo inay fashiliyaan sumcada,karaamada iyo caqiidada ummada soomaaliyeed oo 100%Muslim ah
Wuxuu xisbiga Hanoolaato xusay in shacabka Pakistan waligii iman jiray dalka soomaaliya,aadna loogu soo dhawayn jiray,labada wadanna ay leeyihiin xiriir fac wayn oo soo jireen ah,ayadoo ay haatan dalka pakistan joogaan arday soomaaliyeed oo aad utirabadan aadna looga qadariyo.Xisbiga Hanoolaato wuxuu ka digayaa inuu markale soo noqdo falkaa cawaandinimada iyo caaqiba xumida ee lagu fitneynayo ummada soomaaliyeed gudaha iyo dibed meelkastoo ay joogtaanba,silamid ah wuxuu ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed inay ku baraarugaan dhacdooyinka foosha xun ee uu shisheeyaha gudahooda kasamaysano iskana qabtaan calooshood ushaqaystayaasha ku gabada magaca soomaalinimo ee diirka uga eg soomaalida ee anan ahayn.
Hanoolaato waxay Aqoonyahanada,waxgaradka iyo shacabka qaybihiisa kale xusuusinayaa in dadka iyo dalkuba ubaahanyahay samatabixin cilmiyaysan,iskaashi iyo wada hadal.waxaan Allah (SWT) kabaryaynaa inuu uyabooho ummada soomaaliyeed nasrigiisa iyo nicmadiisa.kana dhigo dad garta dalkooda iyo aayahooda.
Wabillaahi Towfiiq.