Podcasting

 

 

Xasuuqa Naafadii 77 waa Aargoosi caddaan ah
12/09/2009
XWF/09/09

 

Marka ugu horraysa Xisbiga HANOOLAATO wuxu si murugo leh ugaga tacsidaynayaa qoysaskii, qaraabadii iyo qaranka Soomaaliyeed dabar goynta naxdinta leh ee lagu sameeyey naafadii qaranka ee naftooda u soo hibeeyey jiritaanka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ee ka soo qayb qaatay dagaalkii xaqa ahaa ee 1977kii.

Xisbiga Hanoolaato wuxu u arkaa xasuuqa lagu sameeyey naafada lugaha iyo gacmaha go’an in aanu ahayn mid u dhacay si kama’ ah ee uu yahay mid si bareer ah loogu bar tilmaansaday halyeeyada qaranka ee ku diifaysnaa Cusbataalka Martiini. Xisbiga HANOOLAATO wuxu aamin san yahay in madaafiicda lala bar tilmaansaday Naafadu uu yahay mid salka ku haya aargoosi fog oo lagaga aar goosanayo dagaalkii xaqa ahaa ee ay ka soo qayb qaateen 1977kii, dagaalkaas oo ay la’ galeen cadowga Soomaaliyeed ee Ethiopia oo kaashanaysa Ruushka iyo Kuubbaanka. Xisbiga HANOOLAATO waxa aan caad ka saarnayn in halgamayaasha ay dileen cadowga sida joogtada ah madaafiicda ula dhacaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ayna masuul ka yihiin AMISOM iyo cidii keensatay.

Ugu dambayn haddii aan nahay Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO waxan marxuumiintaas ilaahay uga baryaynayaa in uu janadii ka waraabiyo, cadowgii xasuuqayna waxan u sheegaynaa in la’ og yahay wixii ay geysteenna laga abaal marin doono.  

Dayib Qaalib Yuusuf
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga


Dayib





    Copyright © 2009 Hanoolaato Somali National Party

Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO