Warbixin: Laanta Xisbiga ee Jowhar
Waxaan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo hawl wadeenadda gudaha ee xisbiga hanoolaato, intaa ka dib, haddii aan idinka siiyo warbixin gobolka Shabeelaha Dhexe, Caasimaddiisa Jowhar, waan mid caan ku ah, lagana heli karo dadkii ka soo qeyb qaatay halgankii Leegada ee Xornimo doonka ahaa, waa dad neceb gumeysiga, waxayna inta badan la dhaqmeen Talyaaniga oo gumeysigiisu ka adagyahay gumeystayaasha kale, balse inta badan waa gaboobeen dadkaas oo hadda waxaa soo baxay dad jaahiliin ah oo da' yar una baahan wacyi gelin badan in loo sameeyo si loo fahamsiiyo waxay nabaddu tahay iyo faa'idooyinka ay leedahay kuwaasoo mararka qaar horseedi kara inay deegaanka oo dhammi u horseedaan baaba' iyo Jahli fara badan..
Dadkaas waxay u badan yihiin dad aan arag dowladnimada iyo waxbarashadii lacag la'aan ta aheyd ee uu lahaa waddankeena, waxayna indhaha kala qaadeen iyadoo wax la dilayo, wax la dhacayo laguna qayilayo.
Hadaba, gobolka waxaa ka curtay, kana hawl galay xisbigii HANOOLAATO, kaas oo ay lagama maarmaan tahay in wacyi gelin dheer oo aan laga daalin ku sameeyo da' yartaas si ay u fahmaan dib u dhaca haysta guud ahaan waddanka, gaar ahaan Gobolkooda.
Gobolka wuxuu u baahan yahay dadaalka uu Xisbiga HaNoolaato Ka wado dibadda iyo meelo ka mid ah dalka, kaas ayaana gobolka u horseedi kara horumar, nabad, nolol. qarranimo iyo waddaniyad.
Cabdi Nuur Tifow
Guddoomiyaha HANOOLAATO ee Gobolka Shabeelaha Dhexe
Jowhar, Soomaaliya.