Guddoomiyaha INDIA ee HANOOLAATO oo ka warbixiyey xaaladda Ardada Soomaaliyeed ee ku xir-xiran Hyderabad.
Magaalada Hyderabad ee dalka India waxa lagu xirxiray arday Soomaaliyeed, sababtuna waxa ay ahayd waa arrin lagu baaraayay ardayda sharci la'aanta ah waxaana halkaas lagu qabtay arday gareysa 70 waxaana marki danbe sharci la'aan noqday 27 arday.
Ardaydaas ayaa hadda xiran, looyarna waa loo qabtay waxna waa ka qaban la'yahay waxaana la filayaa in 14bari kadib in la soo taagi doona maxkamad waa sida ay shekeen police gobalka.
Arrintan waxaa inta muda ahba laga cabsi qabay in ay ka dhacda baaritaan sababta oo ah ardayda sharci la'aanta ah ayaa aad ubadan iyo gobalka oo soomaalida si fiican loga dareemayo.
Ardayda sharci la'aanta ku joogta dalka Inida ma yara, waxana loo malaynayaa in uu baaritaanku sii badan doono.
Ardaydan la qabqabtay badankooda waxa laga qabqabtay guri Soomaalidu ku badan tahay iyo maqaaxi Soomaalidu ku leedahay Hyderabad oo ay wax ka cunto.
Maxamed Maxamuud
Guddoomiyaha HANOOLAATO ee India