Dhiig miirashadii ha ugu darina shacabka dhiig daadin
12/09/2009
Ref: XAG1/09/09
Haddii aannu nahay Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO waxannu aad iyo aad uga xunnahay dhibaatada baaxadda leh ee loo geystay shacabaka Soomaaliyeed ee ku nool Hargeysa waxa kale oo aannu si weyn uga walaacsanahay rabshadaha isa soo taraya ee ka taagan Magaalada Hargeysa. Ummaddan waxa dhibaato ugu filan gaajada, macluusha, tahriibta, shaqo la’aanta, caddaalad darada, go’doonimada siyaasadeed iyo dhaqaale iyo beenta joogtada ah ee ay ku maaweelinayaan kuwa ka dhergay dhiigga shacabka iyo danyarta diifaysan. Sidaa darteed ummaddani ma qaadi karto dhibaato amni darro oo dhiiggooda lagu daadiyo looguna daro dhibaatooyinkaas aan soo xusnay.
Haddii aannu nahay Xisbiga Hanoolaato waxa aannu u aragnaa dhammaan dhinacyada isku haysta shacabka dushiisa qaar ku nool dhiig-miirashada shacabka, isla markaana masuul ka ah, horena uga ahaa dhammaan dhibaatooyinkii ummaddan soo gaadhay. Waxa kale oo aannu u aragnaa in dhinacyada is hayaa ay isku yihiin kudlad burjuwaasiyiin ah oo shuraako ku ah majaro habaabinta shacabka tabaalaysan, kuna nool sidii gafanaha dhiig miirashada maatada dulman. Sidaa darteed Xisbigu wuxu ka digayaa in shacabka dhiig miirashadii loogu daro in dhiiggooda la daadiyo.
Soomaaliya Hanoolaato
Saleebaan Ibraahim Faarax
Xoghayaha Arimaha Gudaha
Xisbiga HANOOLAATO