Wararka
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO ayaa soo dhoweeyey bixitaanka ay ciidamada Ethiopia ka baxeen goobo ka mid ah magaalada Muqdisho.
War murtiyeed uu xisbigu soo saaray oo uu ku saxiixan yahay Xoghaya Guud ee Xisbiga HANOOLAATO Xassan Maxamed Diiriye ayaa u qornaa sidatan:
“Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu si weyn u soo dhoweynayaa bixitaanka ciidamada Ethiopia ay ka baxeen goobo muhiim ah oo ka mid ah magaalada Muqdisho. Xisbigu wuxu u fahmayaa bixitaankaas shacabkii Soomaaliyeed ee madaafiicda lagu garaacayey iyo dadweynihii la bara kicinayey oo culayskii ka yaraaday. Xisbigu wuxu rajaynayaa in goobaha kale iyo gobolada kale ee ciidamada Ethiopia ay joogaanna ay sidaas oo kale uga baxaan, si ay u fududaato dhibtii ciidamadani ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.
Xisbigu waxa kale oo uu ugu baaqayaa xooggagii dagaalka waday ee ka soo horjeeday ciidamada Ethiopia in aanay ku dagaalamin goobahaas la banneeyey, isla markaana aanay ummadda Soomaaliyeed u horseedin halaag cusub iyo dhiig sokeeye oo mar kale halakeeya.
Xisbigu waxa kale oo uu ka digayaa mu’aamarado iyo xeelado cusub oo la rabo in shacabka Soomaaliyeed la iskaga hor keeno, lagu qaybiyo, hubna la isugu dhiibo. Mu’aamaradahaas oo ay fulinayaan dad dano khaas ah wata oo si toos ah iyo si dadban ugu adeegaya cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambayn Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO wuxu sanadkan cusub ee 2009 shacabka Soomaaliyeed u rajaynayaa nabad, nolol iyo dowladnimo”.
Xasan M. Diiriye
Xoghayaha Guud ee Xisbiga HANOOLAATO
Fadlan farriintaadana ku soo dir emailka xisbiga oo ah: hannoolaato@gmail.com