Podcasting

 

( Dhallin yarooy hurdada ka kac )


Maqaalkaan waxaan ula jeedaa walaalayaal in aan istusno anaga ka dhallin yara ahaan maxaa inoo dana , maxaa inaga maqan , maxaa naga lumay iyo maxaa naga dayacan .

Danteenu maxey tahay : dan teenu waxey tahay Somalinimo  iyo mabaadiida caamka’ah ee ummada somaliyeed.

Maxaa inaga maqan : waxaa inaga maqan mustaqbalkii umadeena iyo sharaftii dalkeena iyo diintena .
Maxaa inaga lumay : waxaa inaga lumay waxkasta oo ummad/qaran uu lahaa ama lagu ilaalin jiray sharaftooda .
Maxaa inaga dayacan : waxaa inaga dayacan astaantii ummada somaliyeed ,dulk , bad , cir , dhaqan iyo diinba . 
sababta waxey tahay anaga kadad Somali ahaan ma waxan cimrigeena ku dhameeysaneeynaa foolxumo iyo sharaf dari dhinac walbaba’ ah.

  • nolol maheysano,

  • sharaf teeni maheysano,

  • qaranimadeeni maheysano,

  • astaan teeni  maheysano,

  • umadeenina waa eey kala dhuntay ,

  • dhulkeeni iyo baddeeni malinba qeyb ayaa lagoosanaa,

  • aduunkoo idil waa nalaga nacay

  • diinteeni iyo dhaqankeeni waa lagu tuntay.

sababaahaas aan soo sheegnay ninki anan heysan sababta uu ku sii fadhiyo maxey tahay intaas wixi kadan beeya oo laradinayo maxey tahay .somalidu waxey ku maahmaahdaa bahi badan iyo bugtu badan waa leesku nacaa , mantana umadaadi ayadoo dhinac walbaba kadayacan beey hoostaalaa adoonka meelwalba , isweeydiiyoo halsheey oo umada somaliyeed u xafidan sheega? Sababta ku celineeysaa intaa kadib maxey tahay,  jawaabto wa majirto. hadii aad intaa kadib aad sii fadhiso micnaheedu wuxuu yahay waa kuu wadani xumo iyo nolashada oo wax micna ‘ah aanan kuu sameeyneeyn.


Calanka somaliyeed malintii lataagay ilaa manta lajoogo umada somaliyyed daganansho guud ma eeysan helin sababtoo’ah waxaa mar walba jira tagri fal shaqsiyadeed kasoo’ah  xurnimada somaliya malinteey qadatay ilaa manta lataaganyahay  hoganka somaliyeed wuxuu ahaa mid ku dhisan tegri fal shaqsiyadeed.
Waxeenay sababta manta loogu baahan yahay in eey istaagan dhalin yarada somaliyeed   waa odayaasheeni oo kasoo bixi  waayay wajibkii kasaarnaa qaranka iyo umada, dayacayna mustaqbalkii umada somaliyeed qasatan kii jiilka hada jira oo asaagood ka haray dhinac waalbaba .


Ma’aha sababaha kalifaaya in eey istaagan dhallin yarada qaranka somaliyeed, micnuhu  ma’aha in aan dooneyno  kamaarmid odayaasheena iyo wax garadka somaliyeed ee micnuhu wuxuu yahay odayaasheeno wey habaabsan yihiin marka waa lagama marmaan in eey istaagan dhalin yarada somaliyeed ayagoo u istagaya badbadinta shacabkoooda iyo sharaftii luntay ee qarannimadooda  iyo socelinta astaantii somaliyeed oo adunka lagatiray , waayo shacabka somaliyeed wuxuu ku jiraa  xalad gumeysi uuna ugu jiraa shaqsiyaad somali’ah ku waasoo shacabka somaliyeed ku kala gumeysta qaabab kala duwan , sida qabyaalad , diinta  oo si kale loogu fasiro iyo iwm . gumeystoho  noocuu doono ha’ahaadee sifadiiso waa in uu udiido umada uu gumeysto in eey xur  u noqdaan nolashooda ,sameystana mustaqbal iyaga iyo ubadkooduba , hadaba taas ayaa ku tuseysa in umada somaliyeed  eey gumeysi ku jiraan uguna jiraan shaqsiyaad daneestayaal’ah .


Manta waxaa waa jib saran ah muwadin kasta oo soomaliyeed in uu fadhiga ka kacu uu u istaago difaacida dalkiisa iyo dadkiisa  ka xureeyo gumeystaha heesta ,  sababta kalifeysana waxey tahay qofka  muwadinka’ah muxuu muwadin ku yahay ?


Taas jawabteeda waxey tahay wuxuu muwadin ku yahay in uu xaq leeyahay laguna leeyahay .
Yuu xaq ku leeyahay ?


wuxuu xaq ku leeyahay qarankiisa,  dalkiisa iyo astaanta qaranimadiisa.
Yaa xaq ku leh asagana ?


waxaa xaq ku leh dadkiisa, dalkiisa, diintiisa, qarankiisa iyo astaanta qaranimadiisa.
Intaasina manta waa qalfoof, meyeesan waa jib nasaran aheyn in aan gudano xaqi eey nagu lahaayeen.
Sababta kaloo meesha taal waxey tahay  yaa adkeysan kara oo u adkeysan kara maanta  gumaadka diiniga ah.
Shacbiga somaliyeed mudu dheer ayaa lagumaadaayay , gumaadkaasoo ah noocyo kala duduwan, sida:
gumaad shisheeye , gumaad  shaqsiyadeen , gumaad siyasadeed , gumaad qabyaaladeed , gumaad  dowladeed iyo gumaad diineedba.


Sababahaasoo is biirsaday iyo sababo kaloo badan oo koow eey ka tahay aqoon darada iyo technologi la’aanta baahday ayaa kaliftay in manta eey tahay malintii  muwadin kasta oo somali’ah uu u istagi lahaa difaacida qarankiisa .


“sagaashanki ilaa mantana saan kumajireynee 
Shacabna sharaftiisa isagaa raadsadee looma raadiyo
Wax isku sheegna dhibmakeeno hadii leesa shaafiyo
Somaliyeey isbadal radi ee shidada kabax"

 

 

Cabdi weli Axmed Jisow
Aanyare7@hotmail.com
+6281546995530
Indonesia  , Bandung 




    Copyright © 2009 Hanoolaato Somali National Party

Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO