Hanoolaato

DASTUURKA XISBIGA HANOOLAATO
Constitution of Hanoolaato Party

Hordhac

 
hanoolaato LogoWaxaanu ugu bushaaraynaynaa bulsho weynta Somaliyeed xeerkan iyo Xisbigan HANOOLAATO ee ku dhisan wada jirka, sinaanta, cadaalada, horumarka iyo u jeexida jiilka danbe hilinkii ay u raaci lahaayeen guusha iyo barwaaqada isla markaana aynu uga tegi lahayn gumarti dhaxal gal ah dhalaankeena.Xeerkani waa ka kala hagaya dhamaan qaybaha iyo unigyada Xisbiga waax kasta iyo hay’ad kastana siinaya shaqada ay leedahay iyo awoodeedaba.  Waana xeer ku qotoma aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeed, dhaqameed iyo diimeedba isla markaana ah mid la jaan qaadi kara bulshadan Somaliyeed ee ku jirta kala guurka iyadoo ka guuraysa habkii bur-burka una guuraysa hanashada qaranimo buuxda.
Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO waa xisbi siyaasadeed oo ka dhashay fikirka faca cusub ee danaynaya horukaca dalka iyo dadka Somaliyeed una taagan wax ka beddelka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsheed ee aayaha dadka iyo dalka Somaliya. Wuxu ku dhisan yahay mabaadii cad-cad, talo wadaag iyo is tix-gelin. Waxaanu ka fog yahay kooxaysi, qabiilaysi iyo gobalaysi. Waxaanu mar walba u halgamayaa horukaca iyo aayatiinka ummada Somaliyeed.
Gebegebadii waxaan u rajaynayaa qofkasta oo Somali ah, una akhriya xeerkan si mug leh kuna qanca barnaamijka Xisbiga iyo xeerkan guud ba inuu ku soo biiro HANOOLAATO iyo jiilka cusub, lana jaan qaado qoraxdan soo baxaysa ee aanu u hanqal taagin mid sii dhacaysa. Sidoo kale waxaa laga rabaa xubin kasta oo ka mid ah Xisbigan HANOOLAATO inay ku dhaqanto xeerkan isla markaana ay ka ilaaliso dhinaceeda.
Dastuurkani waa xeerka iyo sharciga ugu sarreeya Xisbiga, wuu dhowr soon yahay, waana lama taabtaan, waxana wax ka beddeli kara ama ku dari kara Shirweyne xisbi oo keli ah marka 2/3 isku raacdo tirada shirweynaha.

Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO

 

Ku furo word Document word

 

 

    Copyright © 2009 Hanoolaato Somali National Party

Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO