Dhamman xubnaha Xisbiga
Marka hore waan idin salaamaynaa, salaan kaddib waxa aannu jecelahay in aad nala wadaagtaan wararka xisbiga meel kasta oo aad joogtaaan.

Shalay waxa safar shaqo ugu baxay magaalada Bristol wefdi heer sare oo ka tirsan xisbiga oo uu hor kacayey Guddoomiyaha xsbiga Cismaan Abokor ayna ka mid ahaayeen Cali Shariif, Xasan Diiriye, Cabdirizaaq Ugaas iyo bashiir Nuur Xiri oo dhammaantood ka tirsan madaxda sare ee xisbiga. Waxa isaguna wefdiga ku soo biiray wakiilka xisbiga ee Gobolka Wales ee dalka UK Raage Aftaag.
Wefdiga ka socday xisbiga HANOOLAATO waxa ay magaalada Bristol oo ay deggan yihiin kumaan kun Soomaali ah ku soo dhoweeyey xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ee magaalada Bristol. Wefdigu ugu horrayn waxa ay la kulmeen dadweynaha magaalada oo ay si buuxda ugu sharaxeen fikirka iyo ujeeddooyinka HANOOLAATO, arrintaas oo aad u soo jiidatay dadweynihii Soomaaliyeed ee shirka ka soo qayb galay. Xubno ka tirsan dadweynaha oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aanay weligood arag Soomaali midaysan oo wada fikir midaysan oo ku wajahan midaynta dalkoodii hooyo. Dadweynihii ka soo qayb galay shirkaas ayaa madaxda u xaqiijiyey in ay hiil iyo hooba isla garab istaagi doonaan hirgelinta xisbigan iyo sidii uu u guuleysan lahaa.
Intaa kaddib madaxda Xisbiga waxa ay kulan khaas ah la yeesheen xubnaha iyo taageerayaasha HANOOLAATO ee ku sugan magaalada Bristol iyada oo halkaa lagaga wada hadlay arimaha ku saabsan taabo gelinta hawlaha xisbiga iyo dar-dar gelinta baahinta fikirka.
Ugu dambayn hawl-wadeenada xisbiga ee magaalada Bristol waxa ay ballan qaadeen in ay sida ugu dhakhso badan u soo dhisi doonaan maamulkii xisbiga wakiilka uga noqon lahaa magaalada Bristol iyaga oo isla goobtii ku magacaabay hawl-wadeeno soo qaban-qaabiya shir lagu kor-loogu qaado awoodda HANOOLAATO ee magaalada Bristol, isla markaan lagu kasbado shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada khaas ahaan ardayda Soomaaliyeed ee faraha badan ee dhigta jaamacadaha magaalada.
Hadba wixii ka soo kordha hawlaha shaqo ee xisbiga waxa aannu idiinku soo gudbin doonnaa sida ugu dhakho badan.
Waad mahadsan tihiin
Xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga
