Podcasting

Guusha

 

 

Warbixin uu soo diray Guddoomiyaha Xisbiga HANOOLAATO ee Gobolka Awdal Inj Abuubakar Cabdulle halkan ka akhri:

 

Dhammaanba hawl-wadeenada Gobalka Awdal oo u taagan maalin iyo habeenba hirgelinta mabaadiida Xisbiga Hanoolaato waxay lee yihiin Hambalyo, Intaas kadib waxaan dhamaan maamulka, masuuliyiinta iyo xubnaha waxaan usoo jeedinayaa mahad-ballaaran, waxaan jeclahay in aan halkan idinkugu soo gudbiyo warbixinta wax-qabadka gobalka. Guud ahaanba dad-waynaha Gobalka Awdal ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Xisbiga Hanoolaato markii aanu u ban dhignay hadafka Xisbiga ayaa waxa aan ku tilmaami karaa waayeelkii iyo dhalinyarada gobalka waxa ka muuqatay qiiro aan la koobi karin iyo farxad iyaga oo dadku ay is waydiinayaan .
wali rag ayaa nool Gobalkan oo la gu tilmaamo gobalada somaliyeed meelaha aqoontoodu sarayso run ahaan tiina aan odhan karo maanta ummadda somaaliyeed meelkata oo ay joogto waxa ay ogyihiin in Soomaali maanta meel kaste uu waraabe ku cunaayo takaliya ee laga gudbi karaana ay tahay isu duubni uu maanta noo iftiimiyay Xisbiga Hanoolaato taasina waxay u bahan tahay samir iyo dadaaal in loo samro wax kasta oo lagu dedaalo waa la gaadhi karaa.
Waxa aannu xiriir la samaynay dhamaan qorba jooga reer Awdal oo na siiyay tageero iyada oo hormuud ay ka ahayd baaqii ay soo saaren dhawaan kaas oo aanu ka helnay taagero aan la koobi karin waxaa ii suura gashay in aan u maga caabo Gudoomiye Magaalada Xariirad Omar Ege Dihod ee Xisbiga Hanoolaato waxaanu ku jirnaa in aanu magaaloyin ka gobalka oo dhan ba aanu idiin soo gudbino liisaska laamaha Gobalka dhawaan hadii ale idmo

Alaa mahadaa leh 
Gudoomiyaha G.Awdal 
Abubakar Abdulle

 

 

    Copyright © 2009 Hanoolaato Somali National Party

Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO