Podcasting

 

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayey xubno fara badan oo ku soo biiray Xisbiga Hanoolaato ayaa habeenkii xalay ka dhacday Magaalada London.

 

xaflad

Xafladdan oo ay soo agaasimeen hoggaanka abaabulka ee xibiga ayaa bilaabantay 5tii galabnimo iyada oo ay ka soo qayb galeen xubno kor u dhaafayey 70 xubnood oo isaga kala yimi London iyo magaalooyinka kale ee UK ayaa ugu horrayn waxa aayado quraan ah ku furay xafladda Cabbaas Axmed, intaa kaddibna waxa  xiriirinta barnaamijka la wareegay Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Xisbiga Zakiya Xuseen  iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Dayib Qaalib oo ka waramay ku talo galka barnaamijka iyo sida uu u socon doono qaybihiisa oo dhan waxaanay cod baahiyaha ku soo dhoweeyeen Xoghayaha Arimaha Dhaqanka ee Xisbiga Cismaan Faarax Cali (Dayax) oo ka waramay aragtida xisbiga ee dib u soo noolaynta dhaqankii iyo hiddiihii ummadda oo ay ugu horrayso Diinta iyo luqadda.

Mudane Dayax waxa kale oo uu ka hadlay in fikirka xisbiga ee ah mideynta ummadda Soomaaliyeed uu yahay shay diintu ina farayso, halka kala tagga iyo tafaraaruquna uu yahay shay diintu inaga reebayso ibliiskana farax gelinaysa. Gabayo xubnihii xafladda ka soo qayb galay aad u dhiirigeliyey ayaa waxa halkaa ka soo jeediyey Faatima Najma iyo Zakia Xuseen. 

 Intaa kaddib waxa halkaa khudbad kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Cismaan Abokor oo ka waramay mar xaladihii kala duwanaa ee uu xisbigu soo maray iyo halka uu maanta marayo oo uu ku tilmaamay in ay tahay wax aad u kala fog. “ Dad badan ayaa markii fikirkani bilaabanayey u haystay wax aan suurta gal ahayn, maaddaama xaaladda Soomaaliya ay tahay mid ka sii daraysay, manta waxa caddaatay in fikirka Hanoolaato uu yahay ka keli ah ee Soomaaliya ka badbaadin kara baaba’a” ayuu yiri guddoomiyuhu.xaflad

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu xusay in lagu fashilmay in dowlad dal kale lagu soo sameeyey sanka laga geliyo ummadda Soomaaliyeed, Hanoolaatona ay rabto dowlad dadka ka timaadda. “Marka boqolka qof ee tuulo ku nool 60 ka mid ahi noqoto Hanooolaato waa markaa marka ummadda Soomaaliyeed loo hoggaamin karo dowlad ay iyagu leeyihiin” ayuu yiri guddoomiyuhu mar uu ka hadlayey sida loo soo celin karo qaranimadii weynayd ee Soomaaliya.

Khudbaddaa guddoomiyaha kaddib waxa loo gudbay xiligii cashada oo xubnihii xafladda isugu yimi ay si weyn isu dhex galeen fursadna isu heleen ay isku weydaarsadan afkaar iyo khibrad ku wajahan sida loo hirgelin karo mabaadiida xisbiga. Waxa kale oo ka soo qayb galayaashii xafladdaasi halkaa isku weydaarsadeen dood cilmiyeed kooban oo lagaga hadlayey mustaqbalka Soomaaliya.

Xafladdaas soo dhoweynta xubnaha cusub ee ku soo biiray xisbiga waxa soo gunaanaday Guddoomiya ku xigeenka Xisbiga HANOOLAATO Cali Shariif Axmed oo u mahadceliyey dhammaan xubnihii ka soo qayb galay ee ka soo kala safray gobolada iyo degaanada kala fog fog ee dalka UK iyada oo weliba duruufta jawigu ay ahayd mid aad u adkayd oo roobab mahiigaan ah iyo qabow xad dhaaf ahiba jiray.  

Xadladdaas waxa goob joog ka ahaa saxaafad badan oo kala duwan oo Soomaaliyeed sida TV-ga Universal, idaacado ay ugu horreyso Somali on Air, website-yo sida Hiiraan online, aduunyo.com, mahiigaan online, waayaha.net iyo Magazino ay ka mid ahaayeen Somali Eye.

Si kastaba ha ahaatee xafladdaas ayaa ku soo gebegabowday jawi aad u deggan isla markaana farax gelisay dhammaan dadkii ka soo qayb galay, iyadoo dadkii xafladdaas soo dhoweynta ka soo qayb galay ay aad uga mafsuudeen uguna riyaaqeen rajada cusub ee Soomaali u soo bidhaantay.

 Sawiradii xafladdaas laga qaadayna sida ugu dhakhso badan baan idiinku soo diri doonaa insha allah

xaflad













Xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga

 





    Copyright © 2009 Hanoolaato Somali National Party

Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO