Podcasting

 

 

Farxadda iyo hambalyada 1da July

Caawa waa habeenkii xorriyadda, waa habeenkii calan-saarka, waa habeenkii aan ka baxnay gunnimadii gumeysiga una baxnay nuurkii gobanimada iyo aayo ka tashiga. Munaasibaddaas qiimaha badan darteed Guddoomiyaha Xisbiga HANOOLAATO Cismaan Abokor waxa uu hambalyada munaasibadda 49 guurada ka soo wareegtay maalintaas qiimaha badan ee 1da July u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.
Waxaanu ilaahay uga baryayaa in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan nabad, nolol iyo qarinimo. Aammiin Aammiin Aammiin
Maanta maanta waa maalin weyne maanta, maanta maanta madaxeen bannaane maanta.
Soomaaliya HANOOLAATO
    
 Xarunta dhexe ee Xisbiga

 

 

    Copyright © 2009 Hanoolaato Somali National Party

Waddaniyad, Waxqabad iyo walaaltinimo
Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HANOOLAATO